La'igama Horeyn Markii aan kow indhaha Jalaq Kugu Siyay
''waxaa Qoray mahamud j adan ahna Mamulaha Shabakada ama Bloga''
www.Somaliwords.Blogspot.com
La'igama Horeyn markii aan indhaha jalaq kugu siyay? Amin casar Ayaa waxa Iqabtay Xaraaro oo waxa aan dontay Casariye aan ku dajiyo maskaxda anigo aad iyo aad u labisan ayaa waxaan Galay Garigeyga waxaan ku rogay Furaha oo waxan wax ka Dayay Cagaheyga Highway da ayaan saray gadhigi isaga oo u malaysiid Garanuug ka carareysa Shabeel bahan oo rabo cad shilis iyo dhiig aan loga horeyn waxaan tagay maqayad ku Tala bartamaha Magalada Makhayadii ayaan gariga soo Hor dhigay waxaan salaan aad u diran uu qosool ku dhehanyahay Ku turay asxabtii aan Mesha ku arkay waxaan ku dhahay asxaab shaah aan soo qate waan soo laban dona waxaan Galay Makhayadii oo waxaan salamay shaqalahi ka shaqeynayay Makhayada Si wanagsan ayaa La'iga qaday salaantii waxaan dalbaday Shaah ay sonkoortu ku Yartahay balse loo Qiyasay canaha oo aad u malaysiid in lagu Cadeyay Cano geel oo ay xumbadu ay xadh-xadhayso afafka markii aan qac isku siyay ayaa waxan dhahay markan Qac ka siyaan qalbigu idiraye inkasto Hadalka La'iga Horyiri balse markaa xaqa ayaan u laha in aan isticmalo wayo nin ay Xaraaro hayeso waa Nin ay wax ka siyihin marka sidas ayaan xaqa ugu yeshay in aan dhahi markaan Qac ka siyaan ayuu Qalbigu idiraye.
Aniga oo Qoslaya ayaa waxaan la soo baxay hal koob oo shah ama To go ah waxaan u soo baxay bananka waxaan halkii ka bilabay fadhi ku diriir iyo waxii lagu Yaqaan soomaali waxaan u kaftamay sida nin aysan waxba ka Maqneen AMen ay sheekadu tahay Tit for Tat Ayaa waxa hal mar igu soo dagay Jibo anan waligay isku arkiin oo aan mel aan u qado garan wayay gabadh aad iyo aad u qurxoon oo u malaysiid qoslakeeda qureshtii haween ayaa waxa ay ka soo dagtay garii kala Jidan aniga oo isku Jeda ayaa waxaa igalay wax aan u maleyay hami rageed Ileen Ragii waa dhurwa ee waxaan isku maleyay in aan Kaligay Rag ka ahay oo waxaan ka tagay wax wada qeybsigi oo waxaan iska dhadhiciyay Gabadhisa Yasan ku dhafiin hadii ay ku dhaftana raganimadada ayay wax Jiirta.
Markaan Damcay in aan la Hadlo ayaa waxaan is arkay aniga oo isku qubay ama isku dadiyay shaahii aan watay iskumana jeedo oo waa la isaqay inkasto oo ay saxiibadahay iyo intii mesha joogtay igu qoslayeen balse uma jeedin waxa aan sameyay ama in aan shaah isku dadiyay oo ima cada wax kale aan ka aheyn xurul laceynta isoo Hormartay. Aniga oo Raba in aan La hadlo ayaa waxa aan arkay gabadhii oo iga Hor gashay Tukaankii waxaan u qatay in aay sida iga baxsatay oo Nafteyda ayaan canantay oo waxaan u shegay Naftayeda in anaan aheyn wax jira wayo gabartii sidas ayay kaga baxsatay wana siidi aan naftayda galiyay. Hadaba kaliya chance iga aan haysta ama fursada kaliya een haysta een kula hadlo gabadha waxa ay tahay in aan sugo ila inta ay ka soo baxayso dukanka waxa ay igu Noqotay Sanad ila inta ay ka soo dhamanyso Dukaanka gabadhu oo waan sugu kari wayay inta aay ka soo Baxayso kolba waxaan qoransada Irida dukaanka iyo agagarka Gadhigeda oo marnaba ma galin maskaxdeyda in ay Xuralaceyntasi i dhafto wayo yaa og in aan markale arkayo magaladuna way weyntahay inta is aragtana way Yartahay.
Nasiib wanag gabadhii ayaa waxaa ay ka soo baxday Dukaankii aan ku garabsugay Waan u Takey wayna igu Qosashay wayo dharkeyga ayaa waxaa ka Buxa Shaah Canoleh Balse anigu uma jedo oo Miyar'ba Ma lihi oo Mankeyga iyo miyirkuba waxa uu ku maqanyahay hadaba waxa ay igu dareeyd markii aay Qosahay wayo qosalkeedu Ma usan aheyn waxa aan hada Qoraal ku soo KoBir karo oo waxa iga tagtay Korantadii iyo hadalkii waxa aan ku hadlana waan wayay Carabkuna waxa uu inoqday Laba Kilo Iyo bar dhinac aan u dhaqajiyana waan wayay markii aan sidi doqan kii oo kale Carabka LexLexiyay ayaay iga dhaqaaqday gabadhi oo wax ay aday Xaga iyo Gadhigeeda iyada oo isoo Firinaysa waxa uu dhibku ka Taganyahay Ma weydiin Magaceda iyo mesha ay dagantahay wanan isku dhex Yacay sida qof walan oo kale waligana isku ma arkiin ariintan oo kale. gabadhi ayaa gariiga Ay wadatay Gadashisa Ku Guratay Adeegii ay wadatay anigana eegmo,fajac iyo Yaab aad Modo Cashaq ayaa iga soo haray oo waxaan is raciyay Gabadha o anan waxa aqoon ah Haba yaratee u laheyn. Run ahantii anigu Markaas isma ogi in aan Jogo ama aan jiro oo maskaxdeydu way maqantahay waxayna ku maqantahay Iyada Nasiib xumo gadhigii ayay gashay oo waxa ay ku rogtay furihi wax ayna kaga Ximisay gadhigi Ma Ogi malaha aniga ayay igu Baqeysay Mise gadhiga ayaa Iska Xiin weyna balse ANigu waxaan maskaxda Iyo manka gashaday in ay aniga ii Baqeysay oo waxa iga soo Baxay Dhidiid aan Cadad Laheyn oo aad u malaysiid nin hada ka soo baxay GYM ama indoor Soccer.
markii ay gadaal gadaal u soo baxday ee ay rabtay in ay baxdo ayaan waxaan Niyadeyda gashaday mar hadii ay Dhaqaqdo Hada Diib uma arkeysiid oo sidas ayay kaga baxsatay duqonimo ayaa iqaday waxaan ku careray garigaygii oo Xoga iga Durugsana waxa aanan u Orday sida qof walan oo kale oo hal talabo ayaan ku tagay garigii waxaan wayay Furuhi oo gacanTeyda ku Jira ayaa waxa aan ka radiyay Jeebabkeyga iyo dhulka Gacmahana ku hayaaye Ogow aniga oo aad i malaysid shaqsi walan ayaa waxaan ku orday mid ka mid ah asxabteydii mesha jogaty oo waxa aan weydiyay FUraheygii qosol ayuu la dhacay anigana Tii shalay ayay iga noqotay waxaan ku Bilabay feedh iyo Laag waxanan Sanka ugu Yelay Dhiig waliga ma Dagalamiin oo waxa aan aha qof iska dagan oo lawada jecelyahay oo asxaab badan umadii ayaa yabtay waxa ayna i waydiyeen maxaad ku dishay wiilka wax aan ku hadlo ayaa waxa aan wayay oo waxa kaliya afkeyga laga helay furahygi yaan waydiyay Qofna laguma Dilo wax adan u dhiban usan war u heyn wana Khaladka ugu weyn ee u qof samey karo wana la isku dila xabadna waa la isku dhufta wayo adiga ayaa kasbaday wayna kugu ficantahay in lagu dila hadii aad qof gardaro ku donatiid. nasiib wanag Yarka saxiib lilahi ayaan aheyn wa una iga qaleyay wax Police ahna igumana yeerin
Mid Ka mid ah Dadkii Mesha Jogay ayaa waxa ay igu dhaheen wax walan ayaad tahaye So adiga furaha ku haya gacantada Midig intaan firiyay ayaa Aniga oo sidi qoof walan oo kale waxa aan ugi cararey gadhigigeygii wax ana ku rogay Furaha aniga Agteyda waxaa ka buxay gadhiyaal waxaan Damcay in aan Gadaal gadaal u baxo Balse waxaa aan galiyay Geer Xalqadn oo waxa la iga rabay sida Cadada aheyd in markii Gadaal Gadaal Lo baxayo La galiyO Geerka (R) nasiib xumana waxa aan galiyay Geerkii Horay Horeyda oo ah (D) Gadhi Horteyda yalay ayaa waxaan Qabadsiyay gadhigeyga oo waxa isla markii la igu wacay Police waxana la itaxabay Xerada Police La'ma Xidheen hadii aan ka Doodi laha oon aan si fican wax ugu shegi laha Police ka balse aniga waxaa igalay Cudur ugu dhacay labadii sacadood ee ugu Danbeysay marka Police ku wax uu go aan saday in aan walanahay o anan u bahanahy dhakhtar i firiya wa una iga qatay sharcigii Dirawalnimada oo waxa uu listada i galiyay in aan ahay Mana Koobiyo ama wax walan. Intaas oo dhana wax war ah o aan isku hayo malaha oo waxa ii cad gabadhii kaliya Qofkii aan arkaba wax uu inoqda iyada balse anan aqoon wax aan ugu yero iyo meel ay Tin iyo ciidhib meel dhigtay Family'Keygi ayaa la soo wacay oo waxa lagu dhay wiilkiini ayaa ku Jira xerad ee soo Donta Qadan waa ayay ku Noqotay oo waxaa aan ahan Jiray shaqsi aad iyo aad laga qadariyo Guriga iyo familkaba wayo waxaan aaha qof wax ku ool ah oo jiishisa igu wanagsan oo anan waligiis iyo alihis wax dhib aan laga soo sheganin
Reerkii oo usan hal shaqsi ka maqneyn ayaa waxa igu imaday xeradii markas ayaa igu danbeysay Miyiir iyo in aan wax kala garto oo waxaan Noqdey sida qoof riiyo habeen Ka soo Bararugay oo waxa aan iska naray sheydankii habada markii hadal la'igu arkay ayaa waxa sii wanagsan ila hadlay Police kii oo i weydiyay siidi ay wax u dhaceen markii aan sheekadii u shegay ayuu waxa uu qabsaday Qosol aad iyo aad u weyn waxa una idhahay waa sheeko film ama aad Book ka soo Akhrisatay ee wax kale ii sheg hadaba markii aan ku cel celiyay in ay ariintu sidas u dhacday ayuu i aminay oo waxa uu iga sii dayay xabsiga wax una i fasaxay garigaygii iyo Sharcigi nasiib wanag gariga wax sidas ah ma soo gariin balse kii aan ku dhacay ayaa waxa soo gadhay dhawac halis ah. waxa una i balamiyay Loyar wakhtigi aan iskeeni laha Maxkamada oo warqad ku qoran ayuu Gacmaha iga saray hadaba waxa aaan la hadlay wiilkii aan gadhigisa ku dhacay wanan heshinay oo waxa aan ku heshinay sidii soomaali lagu yaqan wa una iska key cafiyay maxkamadiina sidi ayay ku baqatay oo waa la iga tirtiray waxii aan Danbiga ku kabsadey.
waxaan Bilabay in aan gabadhi radiyo waxa aan markii kobad ka Bilabay website yada online ka sida Myspace,facebook IWM. waxa nasiib ah uma yelan in aan ka arko sawiirkeeda ama wax iyada u eg kaliya fursada aan haysto waxa ay tahay in aan istago casarkasta Meshii aan ku arkay markii Kobad hadaba markii aan wayay in mudo ah oo aan ku qiyasay ila Hal Bil oo aan malinkasta mesha istagi Jiray balse waxa ay ariintu ku soo Biyo shubatay in aan iska samro balse naf samarta iguma jiirto oo mel ayay naftu iga qabsatay hadaba markii aan inmudo ah waysana gabadhi aya waxa malin malmaha ka mid ah tagey Gurii uu Leyahy wiil aan saxibo dusha kanahay balse anan waligiis Gurigsa tagiin Markii aan Albabka sidaas ugal bamcay ayaa waxaan Meel Foog ka arkay gabadhi aniga Yaa ikara Farxad iyo hadal Anan laheyn oo malmahan danbe la'iga wayay ayaa igu soo dhacday. hadaba waxa ay balo ka Tagantahay Gabadhi lama hadli karo oo saxiibkay ayay la Dhalatay in aad saxiibka ku ken Kentana waa laga ficanyhay Talo ayaa igu Cakiirnatay oo wax aan sameyo ayaan garan wayay hadaba nasiib wanag gabadhii oo si asluub Leh u Labisan ayaa wax ay ikeentay Shaah Anan waligey Dhadhamiin oo aad macankiisa isledahay Yaa ka dhiga shaaha Laftigisa hadaba nasiib wanag isku ma dadiin shaaha sidii malintii oo kale oo waxa aan iska dhigay nin dagan oo miyiir leh inkasta uu Cashaq Ba'ani ihayo Walal Keed ayaa gabadhii ibary oo wax uu idhahay waa walashey iga yar Magaceduna waa (Zuhuur ama Suhuur) magaceygii ayaan u shegay waxnan dhahay barasho wanagsan hadaba waxa aan ka shaqeysiyay maskaxdeyda oo waxa aan is dhahay sidee u gu Fuduud oo aad Number keda ama telephone keda ku hesha hadaba waxa igu soo dhacdey Mataloyiin Farabadan balse mid ayaan ka DOrtay taas oo Aheyd in aan Warqad ku QOro Telephone keyga oon aan Cup ka aan shaha ku cabayey aan gadal Kaga Dhajiyo oo ay aragto markii ay dhaqeyso Weelka hadaba Xanjoo aan afka ku hayay ayaa waxa aan inyar kaga dhajiyay Cup ka dabadisa ama Gadashisa
hadaba intaan saxibkey iska fiirshay ayaa waxa aan ku dhajiyay warqadi Cup kii aan wax ku cabayay yarkii Ayaa igu dhahay Ina mari saxib suqa ayaan iska Galeynaye gabadhi ayaan uga mahad celiyay shaahii macana ee ay No karisay wa ayna iga aqbashay oo wax ay dhahday Abowe adiga mahadsan jidhiidhicyo ayaa igashay oo waxaan RabaY in aan Hadal ka xagaa ka sii wado balse waxaa ila socday walal keed oo aha saxib'Key anigo aad iyo aad u faraxsan ayaa waxa aan ku labtay gurigeygii oo waxaan Gaadhka ka ahayay Telephone keyga oo xita waxa aan didey in aan musqusha ado wayo waxaan ka cabsanayay in aan Gafo lacala hadii Ay isoo wacdo ama ay ila soo hadasho nasiib Markaan sugay sacado faro badan ayaa waxa iqabatey hurdo oo waan sexday Nasiib xumo ima aysan soo wicin in mudo ah
waxaan iska dhadhaciyay in ay Cup kii u warqadu ku dhajisna ay aragtey Hoyadii dhashey ayna ku qeylisay anan xagaas ku wayay fursadii aan kula hadli laha gabadhas ama aan ku baran laha mida kalena aan ku wayay saxib tinimadii saxib'key oo waxa aan is dhahay waxaad sameysay ariin adan ka firsan oo dhidhiga ayaad dhex fadhida ee ka fikiir sidi aad uga dabalan laheyd oo waxaan maskaxdeyda ka radiniyay sii aan ariinta u xaliyo sii aan u soo celiyo saxib tinimadii naga dhaxeysay gabadha walal keed oo aan ahen saxib wanagsan oo ay ka dhaxeyso xishmo iyo walaal tinimo.
hadaba Nasiib wanag waxaa riyadeydii Beneyay Gabadhi oo waxa ay kicintay in ay Jikada hagajiso oo ay nadifiso Weelka oo dhan hadaba markii ay bilowdey dhaqitaan kii weel'ka aya waxaa ku soo adey Cup kii oo markii ay biyaha ku shubtey ayaa waxaa ka soo dhacay waraqad qoyan oo u magacey'gu ku qoran yahay waxana inta u sii dhera waxa ku qora Telephone keyga oo aan anigu ku qoray markii aan jogay Gurigeeda gabadhi ayaa qosashey oo waxa ay aY madaxa gashatey warqadii oo qoyan oo waxa ay Go'ansatey in ay isoo wacdo markii ay dhameyso weelka Balse gabadhu waa gabadh aad iyo aad u xishood badan oo anan laheyn duldul fara badan oo Raga Lama hadasho sidii lagu yaqaan gabdhihi Hore ee soomaaliyeed . waa Meel u Ilah wax ka wadee gabadhii ayaa isoo wacdey balse anigu marnaba kama suganeyniin in ay soo wacdo si lama filaan ah ayan uga qabtey Telephone kii Kaliya waxaan ka xasuusta in ay aheyd markii igu farxada badaneyd intii aan jogey adunyadan dhibka badan gabadhii ayaan xagii iska barney nasiib wanag gabadhi waxa ay la dhacdey sheekadeydii oo waxa aan uga sheekiyey waxa iga soo maray aragteedii igu horeysay oo aan arko. sheeko dheer ayaan u galay gabadhi ayaa waxaa aan waydiyay in ay la sheekeysato Qof Nasiib wanag gabadhi waxa ay idhahdey maya Walal/Abowe cidna lama sheekeysto oo ma dhafo Gurigeyga iyo skool Keyga farxad aan La'aqoon wax lagu tilmamo ayaan xagii ka qadey oo waxaan u sheegey in aan walasho wax yar u Gadhey kaliya Markii igu horeysay een arkey gabadhas. Marlabad ayay Qoshey (kkkkk) oo waxa ay ishegtey shaahi iga datey dharkii aan Qabey iyo dhareerkii iga dadaneyay sida qof jeeelan oo Dhaanan u bahan.
nasiib wanag Gabadhii waxa aan ku Beray Jeceyl oo waxa aan Noqoney (Leylo Iyo Qeys) oo Jeceyl dhab ah ayaa labadana sii xuun noo Dharbaxay Anigana waxaan Noqdey qofkii adunyada ugu nasiibka badna oo waxa aan heley wax Anan waligey xita anan ku Riyoon oo wax ay iga dhigtey nin dhameys'tiiran oo u Ilahey Nimceyay gabadhana waxaan ku qiyaso Garan mayo oo waan jibooda markasta oo aan indha ha ka qado inkasta oo ay yareeyd inta aan is aragney wayo waxaan saxibo Nahay walaal keed oo waxa aan ilalaLiya sharafta saxibtinimada. Sharaf'na ma aha in aad ku Ken'Kento saxibka walashis oo waa ariin Yara Qalafsan balse waa ariin Iga xoog badnatey oo faraheyga ka baxdey balse ku saqdey maskaxdeyda oo wax kale ima muqdo oo an Iyada aheeyn.
Akhristow Sheekadu Intaas Wey Ka badanTahay Insha allah Warqad isoo Qor hadii aad la dhacdey sheekadan waxii khalad ah ee ku aragtana Fadlan ila soo socdsi sii aan u saxo Ciwanka E-mail ka La'iga Helo waa Jigreboi@gmail.com
waxa Xaquuqda Qoralkan iska leh www.Somaliwords.BlogSpot.com Please Respect my CopYRight (R) if You want copy please make sure You Write me first @Jigreboi@gmail insha allah i will try my best to reply Your Msg ASp. Peace of allah be Upon You.
Wednesday, March 25, 2009
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment