Get the latest electronic phones and more

www.Somaliwords.Blogspot.com news update

africa latest news

Latest Ethiopia News

Free phones

www.somaliwords.blogspot.com
Majon International Internet Marketing

Get Here.

Wednesday, May 30, 2007

Weeraradii Ugu Xumaa Oo Ka Dhacay Magaalada Jigjiga




Weeraradii Ugu Xumaa Oo Ka Dhacay Magaalada Jigjiga....

(Jig-Jiga}29.5-7
weeraradii ugu xumaa inta taariikhda la'og yahay oo ka dhacay magaalada Jig jiga ee xarunta ismaamulka somalida ethiopia ayaa ay warar kala duwani haatan kasoo baxayaan....................

Warar faahfaahsan ayaa ka soo baxaya dadkii ay waxyeeladu ka soo gaadhay qaraxii lala beegsaday fagaarihii lagu xusayay munaasabadda maalintii ay talada dalka Itoobiya la wareegtay jabhadda EPRDF ee Tigreegu horseedka ka yahay.

Ilo xogogaal ah oo ku sugan magaalada Jigjiga ayaa xaqiijiyay in dakii ku dhintay qaraxaas ay ka mid ahaayeen fannaanin, wariye iyo arday goobtaas ku sugnayd.

Madaxweyne C/laahi Xasan "Lugbuur" oo ka mid ah dadkii qaraxaas ku dhaawacmay ayaa ay xaaladdiisa warar is khilaafsan ka soo baxayaan.

Md. Lugbuur ayaa wararka qaarkood sheegyaan in dhaawac sahlan uu ka soo gaadhay lugta halka warar kalena ay tibaaxayaaan in dhaawiciisu uu yahay mid halis ah.

Madaxweynaha ayaa la sheegayaa in dhaawiciisii loo duuliyay magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa si halkaas loogula tacaalo.

Duqii magaalada Jigjiga Axmed Yaasiin Bashiir Dool ayaa isagana dhaawac sahlani ka soo gaadhay qaraxaas.

Wararku waxay intaas ku darayaan in xaaladda magaalada Jigjiga ay degantahay iyadoo isbitaalka weyn ee magaaladana ay buux dhaafiyeen dadkii ku dhaawacmay qaraxyadii lala beegsaday magaalooyinka Jigjiga iyo Dhagax Buur.

Warar iyana aan goor dhaweyd ka helnay Jigjiga ayaa sheegaya in wararkii hore ee sheegayay in Godey ay Qaraxyo ka dhaceen uu yahy mid aan ilaayo iminka si hufan loo hubin.

No comments: