Wararkii ugu danbeeyey magaalada Jijiga iyo argagax ku habsadey ciidamada Tigreega @ 24 April 2007 06:45 PM
XOL: Bandaw ayaa caawa lagu soo rogay xaafadaha ku dhaw dhaw Dhakhtarka weyn ee Magaalada Jigjiga halkaas oo galabnimadii maanta la keenay dhaawac aad u tiro badan oo ku soo dhaawacmay weerarkii maanta lala beegsaday meel shidaal laga baadhayay oo lagu magacaabo Sandhoore oo u dhaw Magaalada Cobale oo ka tirsan Dhulka Soomaali Galbeed.Waxaa sidoo kale yaraaday caawa isu socodkii xaafadaha u dhaw dhaw Dhakhtarkaas, halkaas oo la soo buuxiyay Ciidan Fadaraal ah oo dadkii xaafadahaas degganaa u caga jugleeyay iyagoo gaysanaya falal argagaxisanimo ah, waxaa xusid mudan in Gabadh Soomaaliyeed oo halkaas maraysay iyadoon is ogayn loo gaystay Jidh dil iyo qoriga oo dhiniciisa dambe lagu garaacay, balse waxaa yaab lahayd markii Booliska Degaanka ay gabadhii sasabayeen iyagoo aan haba yaraatee ka qiiroon waxa lagu sameeyay Gabadhaas, taas oo kuu caddaynaysa damiir la'aanta kuwa isku sheegaya inay Shacabka Mas'uul u yihiin iyadoo waliba ay xabsiyada Jijiga ka buuxaan dad aan wax danbi ah lagu heynin oo ku jiraan dumar waayeel ah iyo waliba kuwa caruur heysta ama laga soo xidhey.Bandawdan caawa lagu soo rogay xaafadahaas Dhakhtarka Kaaramardha u dhaw ayaa socon doonta inta dhaawicii maanta la keenay halkaas yaallo. Xaaladda Ethiopia ayaa gurracan marka la eego jabka ay niyad ahaan keeneyso weerarkan lala beegsadey shirkaddan Chineseka ah oo kaga dhaga adeygtey qoraaladii iyo digniinihii ay urarada ka dagaalama gobolku gudbinayeen waligood inta xalka gobolka la xalinayo.hadba wixii ka soo kordha arrintan dib ayaanu idin kala socodsiin doonaa.

No comments:
Post a Comment