Get the latest electronic phones and more

www.Somaliwords.Blogspot.com news update

africa latest news

Latest Ethiopia News

Free phones

www.somaliwords.blogspot.com
Majon International Internet Marketing

Get Here.

Monday, July 09, 2007

Xaguu Marayaa Dhismaha Airport Ka JigJiga? waxaan ka soo xiganay SOmalistate.


DHISMAHA MADAARKA MAGAALADA JIGJIGA OO LA FILAYO IN LA DHAMAYSTIRO LABADA BILOOD EE INAGU SOO AADDAN



Jigjiga, - Wararka naga soo gaadhaya Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya ayaa sheegaya in dhismaha gegida diyaaradaha ee magaalada jigjiga uu dhameystir ku dhow yahay. Sida laga soo xigtay shirkadda gegooyinka diyaaradaha ee Itoobiya (Ethiopian Airports Enterprise (EAE)) waxa la filayaa in la dhamaystiro dhismaha garoonka Jigjiga oo ay ku baxayso lacag dhan 60 milyan oo bir bisha September ee inagu soo aaddan.



Madaxa waaxda injiyeeriyada ee shirkadda EAE Md. Shiferaw Alemu oo ka hadlay shir qiimeynayd oo uu la yeeshay shirkadda gacanta ku haysa dhismaha garoonka ee AKIR ayaa sheegay in 85 % dhismaha gegida la dhammaystiray sidii qorshuhu ahaa. Gegidaas oo uu sheegay in ay diyaar u noqon doonto in la isticmaalo muddo laba bilood gudahood ah.



Waxa Md. Shiferaw intaas ku daray in hawsha weli dhimani ay tahay, dhismaha deryka (fence), gelinta korontada, telefoonda iyo goobaha soo dhaweynta.

Waxa wararku intaas ku darayaan in madaarka Jigjiga marka la dhamaystiro ay ku soo degi kari doonaan diyaaradaha waaweyn sida Boeing 737. Waxa Md. Shiferaw uu sheegay in tayada garoonka kor loo qaadi karo (upgraded) lana gaadhsiin karo heer caalami. Taas oo uu sheegay in ay ka tarjumayso baahida weyn ee looga qabo degaanka gaadiidka cirka.



Waxa Md. Shiferaw intaas ku daray in dhismaha terminaalka iyo qolalka soo dhaweynta ka sokow, sannadka soo socda loogu talo galay in madaarka lagu kharash gareeyo lacag dhan 18 milyan oo bir.



Madaarka Jigjiga ayaa marka la dhammaystiro la filayaa in uu dadejiyo koboca dhaqaalaha ee degaanka Soomaalida, islamarkaana daboollo baahida xoogga leh ee degaanku u qabo gaadiidka cirka.

No comments: